Wararkii ugu dambeeyay weerarka Shabaab ku qaadeen Xerada Ceelbaraf

Ururka Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkii saakay ay xoogagooda ku qaadeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa bayaan ku sheegay in xoogagooda ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta xeradaasi, ayna weerarka ku dileen 59 askari, tobanaan kalena ay dhaawaceen.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Aroornimadii hore ee saaka oo Talaado ah, labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhigga Ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh/dhexe.

Dagaal xoogan ka dib, Ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyay saldhigga, xilligan hadda ah si buuxdo ayaan gacanta ugu haynaa saldhiggaas. Xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 askari lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay.”

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Shabaabka, dadka deegaankuse waxay sheegeen in weerarku ku bilowday qaraxyo, ka dibna uu xigay dagaal toos ahaa oo Shabaab ku qaadeen xeradaasi.

Xerada la weeraray ayaa waxaa deganaa Ciidanka Militariga Burundi, ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS.

Taliska ATMIS ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarka abaabulan ee Shabaabku ku ekeeyeen Xeradooda Ceelbaraf. Deegaankan ayaana ku yaala meel ku dhow xuduudda kala qaybisa Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com