Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliska Hawlgalka KMG ee ATMIS, oo ay wehliso Kuxigeenka Wakiilka MIdowga Afrika ee Somaliya, Marwo Fiona Lortan.
Qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Amniga Doorashada Madaxweynaha.
“Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa Amniga Doorashada Madaxweynaha.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadyada soo socda.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka ATMIS, General William Shume iyo Taliyaha Qaybta 1aad (Sector One) ee ATMIS, George Kutesa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com