Alberto Vecchi oo xoojiyay baaqa caalamka ee ah dedejinta Doorashada Madaxweynaha

Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga ee Somaliya ayaa xafiiskiisa ku booqday Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cali Shacbaan Ibraahim, isagoona kala hadlay arrinta Doorashada Madaxweynaha.

Safiirka ayaa Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare la wadaagay dhambaal hambalyo ah, oo la xiriirta soo afjaridda Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ka dib markii toddobaadkii hore la doortay Gudoomiyaha Golahaasi iyo Labadiisa Kuxigeen.

Qoraal caawa lagu daabacay bogga Aqalka Sare ayaa lagu yiri “Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare iyo Safiirka ayaa bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Somaliya iyo sidii loo dedejin lahaa, si dalku u helo xasillooni siyaasadeed.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii Labada Baarlamaan u yeelan lahaayeen xiriir wada shaqayneyd iyo isweydaarsi xirfadeed.”

Saaxiibada caalamiga ee Somaliya ayaa ku baaqaya in la dedejiyo Doorashada Madaxweynaha xigga ee Dowladda Federaalka. Sida uu qorshuhu yahay muddo laba toddobaad gudahood ayay tahay in lagu doorto Madaxweynaha 10aad ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com