Dowladda Burundi oo war ka soo saartay tirada askarta ee looga dilay weerarkii Ceelbaraf

Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerarkii shalay ay Shabaabku ku qaadeen xerada ciidamadeeda ku lahaayeen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona shaacisay tirada askarta ee looga dilay weerarkaasi.

Xoogaga Shabaabka ayaa Talaadadii weerar qaraxyo waaweyn ku bilowday ku qaaday Xerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ceelbaraf, waxayna Shabaabku sheegeen inay weerarkaasi ku dileen 173 askari, halka nolosha ay ku qabteen tiro askar ah.

Dowladda Burundi ayaa waxay sheegtay in weerarkaasi looga dilay 10 askari, 25-na looga dhaawacay, halka 5 kalena la la’yahay.

Dowladda Burundi waxa kaloo ay sheegtay in ciidamadeeda ay weerarkaasi ku dileen labaatan ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Mar sii horeysay Sarkaal reer Burundi ah oo aan magaciisa la sheegin ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in 30 askari lagaga dilay dagaalka, iyadoo 22 kalena looga dhaawacay, tiro dhowr ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dhanka kale Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in uu khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, uuna uga tacsiyadeeyay waxyeelada askartiisa ka soo gaartay weerarkaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay inay garab taagan yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka.

Ciidanka Militariga Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS ayaa sanadahaanba deganaa Xerada Ceelbaraf, oo ku dhow xuduudda kala qaybisa Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shabaabka ayaa dagaal kula jira Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka ATMIS, oo Somaliya ka caawiya la dagaalanka kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com