Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta magacaabay inta badan Xubnaha Guddiga Qaban-qaabada ee Doorashada Madaxweynaha Somaliya.
Xubnahan oo ka kooban toddobo iyo toban xubnood ayaa kow iyo toban ka mida waxa ay ka imaan doonaan Golaha Shacabka, halka lixda kalena ay ka imaanayaan Senatorada Aqalka Sare.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ay wehliyaan Labadiisa Kuxigeeno ayaa soo saaray 8 ka mid ah 11 xubnood ee Golaha Shacabka uga mid noqonaya Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha JFS oo ay magacyadooda kala yihiin:-
1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Ananuug)
7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.
8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in 3 xubnood ee harsan saacadaha soo socda lagu soo dari doono liiska, si loo dhameystiro xubnaha guddiga ee maanta la magacaabay.
Magacyada xubnaha Aqalka Sare ayaa kala ah:-
1. Senator Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3. Senator Cabdikhani Geelle Maxamed (Puntland)
4. Senator Farxaan Cali Maxamuud (Galmdug)
5. Senator Ibraahim Awgaab Cismaan (Jubbaland)
6. Senator Zamzam Cabdullaahi Axmed (Hirshabelle)
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com