Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ahna Musharax Madaxweyne, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Musharaxa ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Kulanka oo ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyayn ayaa ku soo idlaaday jewi wanaagsan.”
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida Siyaasiyiinta Soomaalida, kuwooda ugu saamaynta badan.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada maalmahaanba uu Aadan Madoobe la lahaa Xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com