Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo muddeeyay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha

Guddiga Qaban-qaabada ee Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta muddeeyay xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha xigga ee dalka.

Jadwalka Doorashada ee Madaxweynaha ayaa waxaa ku cad in Doorashada Madaxweynaha la qaban doono 15-ka bishan May, waxayna Guddiga Doorashada muddooyeen jadwalka khudbadaha ee musharaxiinta madaxweyne iyo howlaha kale ee qaban-qaabada doorashada ka horreeya.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay maanta iska dhex doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com