Guddoonka Labada Aqal oo la kulmay Guddiga Doorashada Madaxweynaha (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay wehliyaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa la kulmay Guddiga Qaban-qaabada ee Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa ugu hambalyeeyay Xubnaha Guddiga Doorashada oo maanta doortay Gudoomiyaha Guddiga iyo Kuxigeenkiisa.

Qoraal caawa lagu daabacay bogga Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay jadwaleynta iyo qabashada dooraashada madaxweynaha oo ku dhacda jewi nabdoon, hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeynta amniga doorashada.”

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta muddeeyay xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha xigga ee dalka, ka dib markii ay soo saareen Jadwalka Doorashada Madaxweynaha. Jadwalka waxaa ku cad in Doorashada Madaxweynaha la qaban doono 15-ka bishan May.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com