Madaxweynaha Hirshabelle oo qaabilay Ex Wasiir Ducaale, ka dib guushiisii Golaha Shacabka

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ka dib markii dib loogu doortay kursigiisii Golaha Shacabka.

Maxamed Abuukar Islow, Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha ayaa caawa si dhib la’aan ah ugu guuleystay kursiga #HOP141, markii uu doorashada ka tanaasulay Cabdullaahi Nuur Maxamed, oo ahaa musharaxii keliya ee lagu waday inuu la tartamo.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo caawa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanka ugu hambalyeeyay dib u dorashadiisa, waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com