Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay hotel ku yaala Havana (SAWIRRO)

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay qarax xoogan, oo Jimcihii ka dhacay hotel kuwa raaxada oo ku yaala Magaalada Havana ee Xarunta Wadanka Cuba.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdegga ay Saratoga Hotel ka qaadeen meydadka 22 qof iyo dhaawaca 60 kale, khasaaruhuna uu intaasi ka badan karo.

Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa sheegay in baaritaanada hordhaca ah ay muujinayaan in qaraxa ka dhacay hotelka ku yaala Bartamaha Caasimadda uu ka dhashay gaas.

Madaxweynaha ayaa dhaawacyada ku booqday Isbitaalka Calixto Garcia, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

“Ma jiro kiis bam ama weerar.” Ayuu Madaxweynuhu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters, isagoona intaasi ku daray “Keliya waa shil nasiib darro ah.”

Muuqaalo laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya burbur weyn oo soo gaaray dhismaha hotelka taariikhiga ah ee ku yaala Degmada Old Hawana.

Madaxweyne Diaz-Canel oo sidoo kale booqday goobtaasi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay masiibadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com