Golaha Ammaanka oo ku taliyay in la ciqaabo Shabaab iyo kuwa dhaqaalaha siiya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si adag u cambaareeyay weerarka 3-dii bishan ay maleeshiyada Al Shabaab kula wareegeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Weerarkan oo ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la fahamsan yahay inuu galaaftay nolosha askar badan, oo ka tirsan kuwa Militariga Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay Jimcihii ugu tacsiyadeeyeen qoysaska iyo ehelada askartii reer Burundi ee ku naf-waayay weerarkaasi, iyagoona caafimaad u rajeeyay kuwa kale ee ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu taageersan yahay dadaalka ay Dowladda Somaliya iyo Hawlgalka ATMIS isaga kaashanayaan ka hortagga halista Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Golaha ayaa bogaadiyay in la ilaaliyo guulaha illaa iyo hadda laga gaaray amniga Somaliya iyo in la xoojiyo taageerada la siinayo ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa ATMIS.

Sida bayaanka lagu sheegay waxaa loo baahan yahay in lala xisaabtamo oo la ciqaabo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya falalka argagixiso ay maleeshiyada Al Shabaab gaysanayaan.

Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in Dowlad Goboleedyada ay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khuseyso arrintani, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aanada Golaha Ammaanka ee khuseeya.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay dib u xaqiijiyeen in argagixisanimadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaal kasta ay leedahayba inay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay mar kale ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dembiyo aan qiil loo raadin karin, iyadoo aan loo eegayn waxa ku kalifay, meesha laga gaystay, goorta la gaystay iyo cidda gaysatayba. Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dowladuhu ay si kasta ula dagaalamaan, si waafaqsan axdiga Qaramada Midoobey iyo waajibaadka kale ee hoos yimaadda sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada.”

Si kastaba ha-ahaatee weerarkii cag-marinta ee Xerada Ceelbaraf ayaa mar kale indhaha dunida ku soo jeediyay Somaliya iyo inuu caalamka garowshiyo ka bixiyo in laga gaabiyay dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com