Goobta lagu diiwaangelinayo Murashaxiinta Madaxweynaha (SAWIRRO)

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa diyaariyay goobta lagu wado in lagu diiwaangeliyo musharaxiinta u tartamaysa jegada madaxtinimada ee dalka.

Guddiga Doorashada ayaa Xarunta Aqalka Sare u qorsheeyay inay noqoto goobta diiwaangelinta, iyagoo sidoo kalena soo bandhigay koontada lagu shubayo lacagta diiwaangelinta.

Koontada ay tahay in lacagaha lagu shubo ayaa lagu sheegay “Koonto lambar-ka Bankiga Dhexe:- X/S:127.”

Guddiga Doorashada ayaa Axadda bilaabi doono diiwaangelinta musharaxiinta, saacadda marka tahay 9:00am (subaxnimo) illaa 4:00pm (galabnimo), waxayna diiwaangelintu ku egtahay 10-ka bishan.

Illaa soddon xubnood ayaa u sharaxan jegada Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaana musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartami doonto la kala ogaan doono, marka ay buuxiyaan shuruudaha, ayna qaataan shahaadada musharaxnimo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com