Rag hubeysan oo dilay askari caan ka ahaa Magaalada Beledweyne

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay Magaalada Beledweyne ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo si weyn looga garanayay magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in raggaasi ay qaarka kore ee jirkiisa ka toogteen ninka askariga ah, ka hor intii aanay ka baxsan gacanta sharciga.

Ciidamada amniga oo sameeyay baaritaano ka dhan ah raggaasi ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi ayaa waxaa dilkiisa ka naxay dadka reer Beledweyne.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Beledweyne waxaa in muddo ahba ku soo badanayay dilalka ay magaalada ka gaysanayaan kooxaha bastooladaha ku hubeysan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com