Xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa la sheegay inay soo wajahday qoysaska ka barakacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo qoysaska kale ee ku haray deegaankaasi, ka dib weerarkii Shabaabka ay Talaadadii ka gaysteen Xerada Ciidanka Midowga Afrika ee deegaankaasi.
Weerarkaas iyo duqayn daba socotayba ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka, taa oo ku khasabtay inay guryahooda isaga cararaan, iyadoona weli ay barakac uga maqan yihiin guryahooda, waana xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS aanay weli dib ugu laaban saldhigyadooda.
Cabdullaahi Xaaji Muxumed, Gudoomiyaha deegaanka Ceelbaraf ayaa xaqiijiyay in afar qof oo rayid ahi ay ku dhinteen weerarka iyo duqayntii xigtay, halka lix iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.
“Ceelbaraf waxaa degan tiro gaareysa afar kun oo qoys, waxaana barakacay saddex kun oo qoys. Hareeraha degmada meelo u jira qiyaastii 10km illaa 15km ayay u kala qaxeen, qaarkood waxayba gaareen Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, hadda waxaa ku haray degmada dad aad u maras ah, oo aan xoog lahayn oo waayeelo ah ayay u badan yihiin dadka hadda ku haray degmada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysaska ku haray deegaanka iyo kuwa kale ee ka barakacayba.
“Dadkaasi waxay u baahan yihiin gurmad, kuwa barakacay oo hareeraha joogga iyo kuwa Mahadaay iyo Jowhar u gudbay, intaba waxa ay u baahan yihiin gurmad. Waxaanu ka codsanaynaa hay’adaha deeqaha bixiya, Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka, intaba in dadkaasi gargaar lala soo gaaro.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Weerarkan oo u muuqday mid aad loo soo qorsheeyay ayay Al Shabaab sheegatay inay ku dishay 173 askari oo ka tirsan Militariga Burundi, inkastoo Dowladda Burundi ay sheegtay in 10 askari looga dilay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com