Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan dhameystirka howlaha doorashada oo haatan heer gebo-gabo ah ku dhow.
“Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, James Swan, waxayna ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka ka socda dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Aqalka Sare.
Saaxiibada caalamiga ee Somaliya ayaa ku baaqaya in la dedejiyo Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
15-ka bishan ayaa la filayaa in Doorashada Madaxweynaha xigga ay ka qabsoomto Caasimadda Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com