Guddoonka Golaha Shacabka oo go’aan ka gaaray Xildhibaanada Gobolka Gedo

Qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa Xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Gedo, waxaa Guddoonka Golaha Shacabka ay sheegeen in 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ay yihiin Xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolkaasi.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’aankoodan ay saldhig uga dhigeen, maadaama Xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday Degmada Ceelwaaq lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, iyada oo doorashadoodana ay qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Heer dowlad Goboleed Jubbaland, halka Xildhibaanada lagu soo doortay Degmada Garbahaarey aanay doorashadooda qaban Guddidii Doorashada Jubbaland.

Akhriso: Qoraalka Guddoonka Golaha Shacabka

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com