Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Sii hayaha Safaaradda Norway ee dalka, Haakon Svane iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Somaliya, Heidi Elburgi Johansen.
Wakiilada ka socda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay doorka wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com