Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray habraaca lagu suggi doono amniga goobta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha.
Guddiga ayaa go’aamiyay amniga Teendhada Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada in lagu wareejiyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, maalmaha hadaljeedinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo ku aaddan 11-12 bishan iyo maalinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku beegan 15-ka bishan.
Albaabada la ogolyahay in laga soo galo Teendhada Afisyooni ayaa kala ah School Polizio/Marina Gate, Main Gate iyo Madina Gate.
Akhriso habraaca amniga doorashada
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com