Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Aadan Madoobe

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Kulanka Madaxweyne Guudlaawe iyo Gudoomiye Madoobe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha oo diiwangelinteeda bilaabatay.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxay labada masuul hoosta ka xariiqeen in la laba jibaaro dadaalada ku aaddan dhameystirka doorashada.”

Doorashada dalka ayaa haatan mareysa heer geba-gabo ah, waxaanu qorshuhu yahay in 15-ka bishan la doorto Madaxweynaha xigga ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com