Musharaxiintii ugu badnaa oo maanta lagu diiwaangeliyay Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa maalintii 2aad Magaalada Muqdisho ka socoto diiwaangelinta xubnaha musharaxiinta, ee u taagan jegada madaxtinimada ee dalka.

Diiwaangelinta oo Axaddii ka bilaabatay Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii koowaadba waxaa la diiwaangeliyay toban musharax, iyadoona la guddoonsiiyay shahaadooyinka musharaxnimo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa tan iyo saakay diiwaangeliyay sagaal iyo toban musharax oo kale, oo mid ka mida ay haweeney tahay.

Musharaxiinta la diiwaangeliyay ayaa kala ah:-

Saciid Ciise Maxamuud
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi
Axmed Ducaale Geelle Xaaf
Mahad Axmed Diiriye
Mukhtaar Maxamed Sayid

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
Nucmaan Sheekh Cumar
Ridwaan Xersi Maxamed
Xasan Sheekh Maxamuud
Maxamuud Daahir Aweys

Cumar Cabdulqaadir Axmed
Jamaal Axmed Ibraahim
Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).
Cabdi Aadan Hoosow

Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

Cabdi Maxamed Kuusow

Cabdullaahi Cali Axmed

Xuseen Cabdi Nuurow

Jibriil Ibraahim Cabdulle

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com