Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa galabta kormeeray Teendhada Afisyooni, oo Arbacada ay ka bilaabanayso hadaljeedinta musharaxiinta, laguna wado in Axadda soo socoto lagu doorto Madaxweynaha xigga ee dalka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Teendhada Afisyooni ku shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada, iyadoona ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
“Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta Guddiga Qaban-qaabada Doorashada, Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharaxiinta imaaneysa hoolka doorashada, Xildhibanaada, kor-joogtada iyo Suxufiyiinta, loola dhaqmo si ixtiraam uu ku jiro.
Dhanka kale Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka ammaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo, taasna looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon.”
Ciidamada amniga ayaa maalmaha ina soo aaddan waxay khudbadaha musharaxiinta iyo doorashada xigtaba u xiri doonaan amniga goobta doorashada iyo wadooyinka magaalada, taasoo ayna dadweynuhu culeyskeedu dareemi doonaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com