Guddiga Doorashada oo soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa galabta soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, iyadoona ay ku soo geba-gabowday muddadii saddexda cisho ahayd ee loo qorsheeyay.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xubin ka ah Guddiga Doorashada ayaa sheegay in maanta ay shahaadooyinka qaateen toddobo musharax, taasoo tirada guud ee la diiwaangeliyay ka dhigeysa 39 xubnood, oo mid qura ay haweeney tahay.

Arbacada berrito ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabato hadaljeedinta musharaxiinta, oo ku eg maalinta xigta ee Khamiista.

Axadda soo socoto oo ku beegan 15-ka bishan ayayna tahay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka lagu doorto Hangarka Afisyooni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com