Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray liiska hadaljeedinta ee musharaxiinta Madaxweynaha, oo berrito ka bilaaban doonto Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Hadaljeedinta oo socon doonto Arbacada iyo Khamiista ayaa liiska lagu soo saaray in maalinta koobaad ay hadaljeedinta u leeyihiin 20 musharax, halka maalinta labaadna ay u yeelan doonaan 19-ka kale, waana hadaljeedin ay samayn doonaan 39-ka musharax ee u taagan jegada madaxtinimada ee dalka.
Sida ku cad jadwalka hadaljeedinta waxa uu musharax kasta xaq u leeyahay qaddar dhan muddo 15 daqiiqo ah in uu wax-qabadkiisa ugu soo bandhigo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Khudbadaha musharaxiinta ayaa bilaaban doonto 10:00am (barqanimo), waxayna ku egtahay 5:35pm (galabnimo).
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com