Toddobo musharax ayaa maalintii 3aad lagu diiwaangeliyay Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho, oo Axaddii ay ka bilaabatay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan jegada Madaxweynaha Somaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Cabdikhani Geelle Maxamed ayaa musharaxiinta guddoonsiiyay shahaadooyinkii ay doorashada ku geli lahaayeen.
Xubanaha maanta shahaadooyinka qaatay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed.
Magacyada: Musharaxiinta maanta la diiwaangeliyay
Maxamed Amiin Faarax
Siciid Cabdullaahi Dani
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Cismaan Xasan Weheliye (Xasan Bariise)
Cabdi Cali Xasan
Taabit Cabdi Maxamed
Maxamed Cabdiraxmaan Cali
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com