Shariif Xasan oo hal sabab uga baaqsaday doorashada hoggaanka dalka

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaanan ka mid noqon musharaxiinta loo diiwaangeliyay inay u tartami doonaan jegada madaxtinimada ee dalka, waana xilli galabta la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta.

Shariif Sheekh Xasan Aadan oo horey u iclaamiyay inuu yahay musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Qaranka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka mid ahaa Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka.

Dadka qaarkii ayaa su’aal gelinaya waxa aanu Shariifku uga dhabbeen ballanqaadkiisii ahaa inuu u tartami doono doorashada xigta ee madaxtinimada dalka, oo 15-ka bishan la qaban doono.

Siyaasiyiinta ayaase kuu sheegaya in Shariif Xasan uu tartanka doorashada uga baaqday, maadaama nin ay ka soo wada jeedaan Koonfur Galbeed uu noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, taasina ay qabad ku tahay damaciisii siyaasiga ahaa ee bal inuu markaan qabto hoggaanka dalka, inkastoo haatanba ay xubno reer Koonfur Galbeed ah qaateen shahaadada musharaxnimada.

Shariif Xasan ayaa Khamiistii hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), waxaana loo fasirtay inuu ugu tegay kala warqaadasho ku aaddan doorashada dalka, walow bogga Golaha Shacabka lagu daabacay in kulankaasi la xiriiray salaan iyo hambalyayn uu Shariifku ugu hambalyaynayay Aadan Madoobe guushiisii Doorashada Golaha Shacabka.

Shariif Xasan oo sidoo kale horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu tiriyaa Siyaasiyiinta Soomaalida, kuwooda ugu saamaynta badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com