Xasan Sheekh oo Laftagareen kala hadlay Doorashada Madaxweynaha (SAWIRRO)

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xasan Sheekh Maxamuud oo u taagan jegada madaxtinimada ee dalka ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo uu kala hadlay Doorashada Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku qaabilay musharax Madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Shekh Maxamuud, waxayna Iska xog wareysteen xaalada dalka iyo Doorashada Madaxweynaha Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah musharaxiinta hadaljeedinta u leh maalinta Khamiista, si ay Xildhibaanada warbixin uga siiyaan waxa ay qaban doonaan, haddii la doorto.

Musharaxiinta ayaa Caasimadda Muqdisho ka wada olole ay ku soo kala jiidanayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay codka u siiyaan maalinta doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com