Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Ex Xildhiban Maxamed Xasan idiris u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda & Amniga.
“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 10-5-2022 waxaa loo magacaabay Mudane Maxamed Xasan Idiris Lataliye sare Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga.” Ayuu Aadan Madoobe ku sheegay warqad xalay ka soo baxday xafiiskiisa.
Maxamed Xasan idiris ayaa ka tirsanaa Baarlamaankii 10aad ee muddo xileedkiisu dhammaaday, isagoona ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee sanadkii 2016 ka soo galay Jubbaland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com