Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdikhani Geelle Maxamed oo gelinkii dambe ee maanta soo xiray kulankii hadaljeedinta ee musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada ku cannaantay inay maanta ka gaabiyeen mid ka mida waajibaadkooda shaqo.
Inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaan maanta soo camiran Teendhada Afisyooni, oo musharaxiinta Madaxweynaha ay ka jeedinayeen khudbadahooda wax-qabadka.
Inkastoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada uu sheegay in illaa labaatan musharax ay maanta khudbadahooda wax-qabadka jeediyeen ayuu haddana Xildhibaanada kaga digay inaanay berritana samayn, wixii maanta ay sameeyeen oo kale.
“Kuraastani waxay u yaallaan Xildhibaanada oo loo dhigay inay yimaadaan, waxayna musharaxiinta xaq u leeyihiin in la dhageysto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, maanta waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”
Khamiista berrito ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com