Hadaljeedinta musharaxiinta u tartamaysa jegada Madaxweynaha Somaliya ayaa maanta ka bilaabanaysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyadoona musharaxiinta ay Xildhibaanada Labada Aqal uga warbixin doonaan wax-qabadkooda, haddii la doorto.
Illaa labaatan musharax ayaa maanta u leh hadaljeedinta, halka sagaal iyo toban musharaxna ay berrito u leeyihiin, waana khudbadda ay tahay in musharax kasta uu ku faah faahiyo waxa uu qaban doono, haddiiba xilka loo doorto.
Musharax Cabdi Aadan Hoosow ayaa ku qoran khudbadda hore oo bilaabanaysa 10:00am barqanimo, waxaana xusid mudan in musharax kasta uu haysto muddo 15 daqiiqo ah, oo uu ku qaadaa-dhigo wax-qabadkiisa.
Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa jeedin doono khudbadda gunaanadka ee kulanka maanta, oo kulankana uu ku soo xiri doono 5:35pm galabnimo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com