Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ee ay ka geeriyootay Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd marwada, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ee ay ka geeriyootay Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar ayaa ku geeriyootay dalka Emirate-ka Carabta.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com