Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

Qaraxan oo laga maqlay qaybo badan oo magaalada ka mid ah ayaa ka dhacay waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, kuna dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4.

Wararka ayaa sheegaya in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu beegsaday gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeyso Hotel Afrik iyo kontoroolka lagu hubiyo gaadiidka u socda dhanka Garoonka Aadan Cadde.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaasi ay gelbinayeen Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey), oo iyadu ka badbaaday weerarkaasi. Saynab Xaabsey waxa ay barteeda Facebook ku sheegtay in Alle uu ka badbaadiyay weerarkaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay qaraxa ku dhaawacmeen toddobo qof, oo shan ka mida ay rayid yihiin.

Afhayeenka ayaa xusay in ninka is qarxiyay uu ka faa’iideystay mashquulkii iyo ciriirigii xilligaa ka jiray waddada, oo sida uu sheegay ay gaadiidka safaf ugu jireen kontoroolka, si amnigooda loogu hubiyo. Waxa uu intaasi ku daray in ninkaasi uu isku deyay inuu ku dhego gaari nooca aysan rasasta karin ah, oo xilligaa ku sugnaa waddada, uuna la socday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu magacaabo General Garabey.

“Gaariga jananka ayuu isku dayay inuu ku dhego, laakiin gaariga oo xabadda aan karin awgeed wuxuu ku qarxay bannaanka, janankana waa caafimaad qabaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxa ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa kolonyo ku sii jeeday Teendhada Afisyooni.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay maanta isku diyaarinayaan dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com