Ciidamada Dowladda oo gaaray deegaanka Sangooy oo u dhow Bohol (SAWIRRO)

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku daba joogga Xoogagii Ahlu Sunna ee Jimcihii soo weeraray Magaalada Dhuusamareeb ayaa galabta gaaray deegaanka Sangooy, oo ku yaala waddada Dhuusamareeb iyo Bohol. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xalay ku hoyday Sangooy oo u dhow Bohol.

Bohol waa halka ay ka soo duuleen Xoogaga Ahlu Sunna oo saldhig ka sameystay deegaankaasi, ka dib dagaalka daba-yaaqadii bishii October lagaga soo saaray Magaalada Guriceel.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Galmudug ay la wareegeen Sangooy, halka kuwii Ahlu Sunna ay iyana ku firxadeen miyiga deegaankaasi.

Ciidamada ayaa Sangooy ka soo qabtay nin dhallinyaro ah, kaasoo ay ku tuhmayaan in uu ka tirsan yahay dagaal-yahanada Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Jimcihii oo maalin dagaal ay u ahayd dadka reer Dhuusamareeb ayaa waxaa la fahamsan yahay in dagaalkaasi ay ku dhinteen shan iyo toban qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan, halka konton kalena ay ku dhaawacantay.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay oo xaaladooda waxba looga qaban waayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta loo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Inta badan dadkii ka barakacay magaalada ayaa maanta dib ugu soo laabtay guryahooda, inkastoo ay dadku kuu sheegayaan in ay ka baqdin qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ay labaduba ku maqan yihiin Caasimadda Muqdisho.

Waa dagaalkii ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii Galmudug ay gacan ku haynta magaaladaasi kala wareegtay Maamulkii Ahlu Sunna, ee dhowr iyo tobanka sano ka arriminayay Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com