Deni oo arrinta doorashada kala hadlay Qoorqoor (SAWIRRO)

Musharax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo uu kala hadlay Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaasi ku sheegay mid ay labada dhinac isaga xog wareysanayeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan midda doorashada.

“Caawa waxaan kulan wada qaadanay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Kulanka oo ah is xogwareysi waxaan uga wada hadalnay guud ahaan xaaladda dalka iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayuu Deni ku sheegay bartiisa Facebook.

Deni ayaa ka mid ah musharaxiinta loolanka adag ugu jira jegada madaxtinimada ee dalka, kuwaa oo ololahooda si weyn laga dareemay Caasimadda Muqdisho.

Hoteelada iyo guryaha ay degan yihiin musharaxiinta ayaa waxaa ku badan dhaqdhaqaaqa Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta labada dhinac isu soo dhaweynaysa.

Illaa iyo hadda ma jirto musharax si rasmi ah loogu saadaalin karo inuu ku guuleysan doono xilka, walow uu musharax kasta dadaal ugu jiro, sidii uu xilkaasi ku qaban lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com