Guddoonka Baarlamaanka oo la kulmay Guddiga Doorashada Madaxweynaha (SAWIRRO)

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta la kulmay Guddiga Qaban-qaabada ee Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somaliya, Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Qaybta 1aad (Sector 1) ee ATMIS, General William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga Doorashada Madaxweynaha, oo berrito lagu wado inay ka qabsoomto Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

“Kulanka ayaa Saraakiisha lagu faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si nabdoon.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com