Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Dhuusamareeb

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta degan, ka dib dagaal culus oo shalay ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo dhinaca kale ah.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay deegaanka Bohol ee Waqooyiga Dhuusamareeb ay soo weerareen magaalada.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira madaafiic ku dhacday guryo la degan yahay, oo waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka qaybtood.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaa haddana jira ilo wareedyo muhiim ah oo sheegaya in shan iyo toban oo u badan dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, halka konton kalena ay ku dhaawacantay.

Dr. Xasan Cumar Axmed oo ka mid ah Howlwadeenada Isbitaalka Xannaano ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in isbitaalkooda oo keliya la soo gaarsiiyay meydadka lix qof iyo dhaawaca 42 kale.

Xaaladda magaalada ayaa markii dambe mid caadiya ku soo laabatay, ka dib markii Xoogaga Ahlu Sunna ay gaareen deegaanka Sangooy, oo ku yaala waddada Dhuusamareeb iyo Bohol.

Inta badan dadkii ka barakacay magaalada ayaa maanta dib ugu soo laabtay guryahooda, inkastoo ay ka baqdin qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Cadceed Sheekhdoon, Madaxa Arrimaha Bulshada ee Dhuusamareeb ayaa dhinacyada ugu baaqay inay colaadda joojiyaan.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariy (Qoorqoor) iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ay labaduba olalaha doorashada u jooggaan Caasimadda Muqdisho.

Si kastaba ha-ahaatee Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaan weli wax wara ka soo saarin dagaalkan ugu dambeeyay ee ka dhacay Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com