Afar musharax oo u soo gudbay wareegga 2aad ee doorashada

Illaa afar musharax ayaa u soo gudubtay wareegga 2aad doorashada madaxtinimada Somaliya ee ka socoto Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ku tartameen 36 musharax.

Siciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Khayre ayaa noqday afarta musharax ee ugu codka badan.

Codadka ayay u kala heleen

Deni 65 cod
Farmaajo 59 cod
Xasan Sheekh 52 cod
Khayre 47 cod

Labada musharax ee ugu codka badan ayaa u soo gudbi doono wareegga 3aad ee doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com