Khayre oo baaq degdeg ah u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa Xildhibaanada Labada Aqal ka codsaday inay codkooda ku taageeraan, maadaama uu u soo gudbay wareegga 2aad ee doorashada, si uu shaqo abuur ugu sameeyo boqol kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu goor dhow ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka kaga codsaday inay fursad u siiyaan fulinta ballanqaadkiisii ahaa waxa uu qaban doono, haddii xilka madaxtinimada ee dalka loo doorto.

Qoraalka Khayre ayaa u qornaa:-

Maadaama aan usoo gudbay wareegga 2aad ee Doorashada Madaxweynaha, waxaan ka codsanaya Xildhibaanada sharafta leh inay fursad ii siiyaan inaan shaqo abuur u sameeyo 100 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, inaan mushaarka Xildhibaanada kordhiyo, inaan deyn cafinta dhameystiro oo aan dalka dhaqaalihiisa kor u qaado, inaan sii wado shaqooyinkii istaagay ee dowladda, inaan Maamul Gobaleed walba hal isbitaal ka dhiso, inaan Al Shabaab soo afjaro iyo inaan dhiso dowlad ay u dhan yihiin mucaarad iyo muxaafid, kuwaas oo ah dhammaan ballamadii aan ka hor sheegay baarlamaanka.

Waxaan rajeynaya in aad codsigeyga aqbali doontaan.
Mahadsanidiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com