Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee caawa xilka loo dhaariyay, ka dib markii dib loogu doortay inuu dalka hoggaamiyo, afar sano oo kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa Madaxweynaha ku dhaariyay Teendhada Afisyooni, wax yar uun ka dib, markii lagu dhawaaqay inuu xilka madaxtinimada ku guuleystay.

Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay guushiisa.

Farmaajo ayaa madal ay fadhiyeen Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda ka sheegay inuu Madaxweynaha cusub u rajeynayo in Alle kula garab galo waajibaadka loo igmaday.

Xasan Sheekh oo horey u soo noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa mar kale dalka hoggaamin doono, dhowrka sano ee soo socda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com