Wareegga 2aad doorashada oo ka socoto Teendhada Afisyooni

Wareegga 2aad tartanka doorashada ee madaxtinimada dalka ayaa ka bilaabatay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay ku tartamayaan afarta musharax ee wareegaasi u soo gudubtay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku loolamaya Doorashada Madaxtooyada, iyadoona ay ku kala calaf qaadi doonaan.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeynaya xubnaha musharaxiinta, ee u taagan xafiiska ugu sarreeya ee dalka looga arrimiyo.

Saddex ka mid musharaxiintan horey ayay xilal uga soo qabteen Dowladda Federaalka, halka kan kalena uu weli ku magacaaban yahay Madaxweynaha Puntland.

Doorashadan ayaa mid xiiso iyo xamaasad badanba u leh Soomaalida, iyadoo dal iyo dibadba ay kala socdaan shaashadaha waaweyn, oo si toos ahi ay uga daawanayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com