Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Somaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 10aad ee Somaliya, ka dib markii uu helay codadka ugu badan ee wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kursiga madaxtinimada ee dalka kula tartamayay Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa codad badan kaga guuleystay Farmaajo, sida ku cad natiijada rasmiga ah ee codadkii ay Xildhibaanadu dhiibteen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, iyadoo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, halka 3 cod ay xumaadeen.

Xasan Sheekh oo horey u soo noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa mar kale dalka hoggaamin doono, afarta sano ee soo socota.

Xasan Sheekh ayaa noqonaya siyaasigii ugu horeeyay ee dib loogu soo doorto xilka, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, 22 sano horteed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com