Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General Odawaa Yuusuf Raage iyo General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Madaxweynaha ayaa sheegay in labada taliye uu ka dhageystay warbixin guud oo la xiriirta amniga dalka iyo qorsheyaasha hortebinta leh ee xilligan kala guurka.
“Waxaan kulan la qaatay Taliye-yaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorsheyaasha hortebinta leh xilliga kala guurka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa amniga ku tilmaamay muhiimadda 1aad ee dowladdiisa, isagoona yiri “Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda.”
Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka ayaa warkan ku sheegay bartiisa Facebook.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com