Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Madaxweynaha ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku sheegay in ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka wada hadleen dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha ee xilliga kala guurka.

“Waxaan maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, waxaan ka wada hadalnay dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu xafiiska la wareego toddobaadyada soo socda, inkastoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isla xalayba xilka ku wareejiyay, markii uu ku guuleystay doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com