Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka, saacado uun ka dib, markii dib loogu soo doortay xilka madaxtinimada ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Larry André, kaasoo aan la sheegin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Bogga Safaaradda Mareykanka ee Twitter-ka ayaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha dib ugu soo laabashadiisa ee hoggaanka dalka.

Mareykanka ayaa la filayaa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkii hore hakiyay weeraradii dhanka cirka ee ka dhanka ahaa maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Joe Biden, inkastoo mararka qaarkood ay diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay duqaymo ka gaysanayeen dhulka ay maleeshiyadaasi maamusho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com