Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa la kulmay Ra’iisal Wasaare Rooble

Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo maanta kulamo ka waday Magaalada Muqdisho ayaa caawa la kulmay Ra’iisal Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay in dalka ay ka qabsoomto doorasho.

“Sharaf ayay ii ahayd inaan caawa la kulmay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada. Waxaan ugu mahadceliyay dadaalkii uu u galay in dalka ka qabsoomto doorasho.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay bartiisa Facebook.

Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Waxbarashada iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha 10aad ee Somaliya ayaa lagu wadaa in muddo laba toddobaad gudahood uu xafiiska kula wareego

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com