Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada (SAWIRRO)

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa Madaxweynaha dooran ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid ay dhinacyadu uga hadlayeen wareejinta Qasriga Villa Somalia, oo dhawaan uu ku shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii hore ee dalka kaga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.” Ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com