Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo qaabilay Safiirka Emirate-ka Carabta

Iyadoo kulamada uu Madaxweynaha cusub ka wado Magaalada Muqdisho ay qayb ka yihiin kulamada uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka ayaa caawa la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta ee Somaliya, Mohamed Ahmed Al-Othman.

Safiirka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay guusha uu Axaddii ka gaaray doorashada madaxtinimada ee dalka.

Xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha ayaan faah faahin waxyaabihii looga hadlay kulankaasi, marka laga soo taggo in Safiirku uu Madaxweynuhu ugu hambaleeyay guushiisii doorashada.

Abu Dhabi ayaa la fahamsan yahay in xiriir dhow la leedahay Madaxweynaha la doortay, si ka duwan Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com