Somaliya oo Mareykanka uga mahadcelisay ciidamada uu ku soo celinayo dalka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Mareykanka, Joe Biden uga mahadceliyay ciidamada uu amray in dib loogu soo celiyo dalka, si ay uga qayb qaataan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ciidamada Mareykanka oo gaarayay 700 oo askari ayaa dalka laga saaray bishii January ee sanadkii 2021, maalmo uun ka hor, intii aanu xilka wareejin Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

“Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Joe Biden in uu ogolaaday in ciidamo Mareykan ah la keeno Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Mareykanku waxa uu had iyo jeer ahaa saaxiib la isku halayn karo, inaga oo raadinayno xasillooni iyo inaan la dagaalano argagixisada.”

Macluumaad dhanka Sirdoonka ayaa muujinaysa inay korortay awoodda Al Shabaab, tan iyo markii ay Washington ciidamadeeda kala baxday Somaliya, tirada maleeshiyada Shabaabkana ay gaartay illaa laba iyo toban kun (12,000) oo dagaalyahan, halka 2020 ay tiradoodu u dhaxeysay shan kun illaa toban kun.

Afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka, Adrienne Watson ayaa sheegtay tallaabada boqolaalka askari ee Mareykanku ku gaynayo Somaliya, ay wax ka tari doonto la dagaalanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com