Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dalka ka dhisan.
Kulanka ayaa ahaa mid loogu hambalyaynayay Madaxweynaha cusub ee dooran iyo kala warqaadasho ku aaddan xaaladda guud ee dalka.
Kulanka oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka hoggaamin doono afarta sano ee soo socota, iyadoona ay muhiim u tahay wada shaqaynta Dowlad Goboleedyada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com