Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waddo qorshe ay dib ugula wareegeyso Gobolka Gedo, iyada oo u mareyso dib u heshiisiin ay u sameynayso beelaha deegaanka.
Jubbaland ayaa dooneysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolka xuduudda dhaca ee Gedo, ka dib doorashada Axaddii ka dhacday dalka ee looga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamamaday.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan ay qaab dib u heshiisiineed kula wareegi doonaan gobolkaasi.
“Bacdamaa dowlad cusub ay hadda ka dhalatay dalka in sharciyaddii dib loogu noqon doono ayaan rajaynaynaa, maadaama aan ka soo jeedo Gobolka Gedo. Haddaba is bedel baa ka muuqda, maxaa yeelay maamuladii awal ka jiray gobolka ayaa hadda is abaabulaya.” Ayuu yiri Waiirka.
“Gedo waxay ka mid tahay Maamul Goboleedka Jubbaland, sharciyadda Jubbaland uun bay ku soo noqon doontaa.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Nidaam dib u heshiisiineed ayaan ku xalin doonnaa, bacdamaa ay dowlad cusub dhalatay, sharciyaddii baana dib loogu noqonayaa, maxaa yeelay Madaxweynaha cusub hal-ku-dhigiisu wuxuu ahaa (Soomaali heshiis ah, caalamkana heshiis la ah). Sidaasi daraadeed si dib u heshiisiin ah ayaa loo samayn doonnaa.”
Wasiirka oo VOA la hadlay ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Dadka shacabka ah waxay hadda arkayn dulmigii lagu hayay, waxayna la soo xiriirayeen Maamulka Jubbaland, ayna diyaar u yihiin, wixii loo sheegayayna ay khalad ahayd, sharciyadna aysan ku dhisnayn.”
Dowladda Federaalka ayaa sanadkii 2020, Maamulka Jubbaland kala wareegtay gacan ku haynta Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo, dib-na loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Villa Somalia ayaana xilligaa dhowr kun oo askari u daabushay gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com