Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay abaarta dalka ka jirta.
Kulanka oo uu ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa warbixin looga dhageystay Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha, qaybtood.
Guddiga ayaa Madaxweynaha faah faahin ka siiyay halka ay mareyso howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed, ee ay saamayn daran ku yeelatay abaarta ka jirta qaybo ka mida dalka.
Xafiiska Arrimaha Bani’aadanimada Qaramada Midoobey ee Somaliya oo Isniintii soo bandhigay xogtiisa dabagalka abaaraha ee bishii April ayaa sheegay in weli ay jirto barakaca ka dhashay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.
Inkastoo meelaha qaarkood ay roobab ka curteen, haddana saamaynta abaartu weli waa mid muuqato, iyadoo ay abaartu cagta marisay dalagyadii iyo xoolihii ay haysteen xoolo dhaqatada, dad fara-badana ay ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan, si ay cunto iyo biyo u helaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com